Hordhac
Qormo cilmiyeedkaan waxaan ku iftiimin doonaa halka
iyo boogta ay katahay bukaan socodka hadayny umadda Soomaaliyeed; taasoo aan
ilaa haatan aysan jirin cid madax banana oo si cilmiyaysan wax uga qortay halka
rasmiga ah ee ay umadaasi ka xagal daacsantahay. Sidaas awgeed ayaa igu
kaliftay inaan ka qoro qoraal bilaw u ah daraasad dheer oo aan ku sameeyey
bulshadaas, taasoo aan qayb ka ahaa ilaa intii aan garaadsaday.