v Hordhac
Qorma cilmiyeedkaan waxaan ku eegi
doonaa laba arimood oo mudnaantooda xanbaarsan kuwaas oo aynaan kusoo koobi
Karin hal qoraal iyo hal buug midna toona; balse waxaan isku dayi doonaa inaynu
ka bixino iftiimin yar oo cilmi ku qotonta, hadaba aynu ahaano kuwo diirad
layaal ah oo aynu waajahno nuxurka iyo miida qoraalka!
Labada arimood midi waa qeexitaanka
fahamka guud ee erayga qaraha ama dhumucda wayn ee bulsho, kaasoo aynu
dhamaantayo si guud ufahamsanahay, balse aynaan awood ulahayn inaynu qaab
cilmiyayasan oo nadaamsan u qeexno.
Hadaba waxa jirta su`aal dhamaantayo
maankeena ka guuxaysa oo ah, majirtaa cid wali soo heshay qeexitaanka rasmiga
ah ee erayga bulsho? Su`aashaas jawaabteedu waa maya, oo wali majirto qeexitaan
guud oo bulsho yahanada aduunku isku waafaqeen in lagu qeexo erayga bulsho.
Sidaas awgeed waxaynu soo qaadan doonaa dhawr qeexitaan oo qaarkamid ah bulsho
yahanada aduunku ku qeexeen eraygaas.
Arinka labaad ee aynu qormadatan ku
eegi doono waa tabaha ay bulsho ku hormorto, kaasoo asaguna aan lahayn xayndaab
soo afmeera, maadaama aysan wali jirin xeerar caalami ah oo lagu saleeyo
hormarka bulsho; balse ay jiraan halbeegyo caalami ah oo ay bulshayahanadu u
adeegsadaan heerka hormar ahaaneed ee ay bulsho joogto.
v Waamaxay
bulsho?
“Bulsho waxay unoqonaysaa koox dad
ah kuwaas oo ku nool hal dhul waxayna wadaagaan dhaqan guud.” - J.W. Wander Zanden
“Bulsho waa koox ashkhaas ah kuwaas
oo wadaaga dhaqan, qiyam, caadooyin iyo qaab nololeed.” -Samuel Koenig
“Bulsho waa urursiga askhaas ku midawday xiriiro gaar
ah ama nooc dabeecadeed oo kasoocaya
kuwa kale oo aan ayagu dhexgalin xiriiradaas ama uga duwan dabeecadaha.” -Morris Ginsberg
Guud ahaan qeexitaanadan waxaynu ka
fahmi karaynaainay bulsho tahay koox dad ahoo kuwada nool dhul, uuna ka
dhexeeyo xirir bulsho, kuwaas ooleh dhaqan guud.
v Sidee
bulsho ku hormartaa?
Marka laga hadlayo hanaanka iyo
qaababka ay bulsho ku hormari karto waxaa xooga la saaraa saddex arimood oo ay
bulshayahanada dunidu isku waafaqeen in diirada la saaro si ay bulsho u
hormarto. Hadaba waxaynu mid mid u dul istaagi doonaa saddexda qodob ee bulsho
hormarkeeda laga rabo.
1.
Dhinaca Bulshada:
- Waa inay bulshadu ahaataa mid casri ah oo dhaqanku ku yaryahay.
- Waa in maqaamka qofku bulshada ku dhex leeyahay uusan ahaan mid uu qabiil ahaan iyo qoys ahaan ugu dhashay sida bulshooyinka qabaa`ilka ah ee dhaqankooda ku adag; ee maqaamka qofku waa inuu ahaadaa mid uu isagu kartidiisa iyo dadaalkiisa kula yimid.
- Waa in qaabka qoysasku ay ahaadaan kuwo ku salaysan nadaamka qoys bu`eedka (nuclear family) kaasoo ah qoys Ka Kooban lamaane iyo caruurtada oo kaliya; ee aan ahayn qoys balaaran sida bulsha dhaqameedka ookale.
- Waa inaysan kala saraynta dadka ee xaga shaqada iyo maqaamku ku salaysnaan dhanka diinta, midabka, qabiilka iyo dhalashada jinsiyeed midna-toona.
- Waa inay bulshadu ahaataa mid reer magaal ah, oo qaabkeeda nololeedna uu ahaadaa mid ku qotoma ilbaxnimada iyo magaalooyinka, dadkuna ay kasoo sadcaalaan miyiga yimaadaana magaalooyinka.
- Waa inay jiraan hay`ado dawladeed iyo kuwo aan dawli ahayn oo qaada masuuliyada hormarinta dadyawga qaba baahiyaha gaarka ah; oo aysan masuuliyada dadkaasi fuulin qoysaskooda sida bulsho dhaqameedyada. Dadkaas oo loo dhisayo guryaha lagu xanaaneeyo dadka waawayn, ciyaalka agoomada ah.
- Xadiga kobaca tirada bulshadu waa inuu ahaadaa mid koboceedu hooseeyo.
- Waa inuu yaraadaa xadiga dhimashada umul raaca iyo caruurta da`doodu ka yartahay halka sano.
- Waa inay aad usarayso heerka aqooneed ee dadka dhadig iyo lab ba.
- Waa inuu aad ufidaa adeega caafimaad, noqdaana mid la awoodo lana heli karo ayna usimanyihiin dhamaan xubnaha bulshadu kor ilaa hoos.
2.
Dhinaca Dhaqanka:
- Waa in dhaqaan ahaan bulshadu noqotaa mid dhiiri galisa nadaamka shakhsinimda (individualistic), qiimaysiinta ashyaada (materialistic) iyo kuwacyi gashnaanta faaiido raadinta. Kor uqaadista gaaritaankuna uu noqda yoolalka dadka.
- Waa inaysan dareemadii hore aysan noqon kuwo qaalib ka ah dabeecadaha bulsho ee ashkhaasta. Qabyaalada, isir nacaybka, qaraaba kiilka, midab takoorka, xagjirnimada iyo fikir ku dirqintu waa inay ahaadaa kuwo ay bulshadu xor katahay; isla markaasna ay bulshadu ku wacyi gashnaataa afkaarta cilmaaniyada ee xornimo iyo insaaniyad jacaylka.
- Waa in la kobciyaa dhaqanka wadaniyada iyo guud ahaanaysiinta (pluralism).
- Waa in la sameeyaa hay`adaha iyo ururada u dooda xuquuqda aadmiga.
- Waa in la daciifiyaa caadooyinka iyo dhaqamada hore ee bulsho. Xadiga isbadalka bulsho ahaaneed, midka casriyayanta agabka, cuntada, dharka iyo guryayantu waa inuu ahaadaa mid karaar fiican ku socda.
- Waa inay dadku ahaadaan kuwo dhaqan ahaan caqlaaniyiin ah ayna ku yartahay aaminitaanka caqiidooyinka iyo quraafaadka.
1.
Dhinaca Siyaasada:
- Nadaamka dawladeed waa inuu ahaadaa mid ku dhisan hanaanka dimuquraadiyada; ee uusan noqon mid digtaatooriyad ku dhisan.
- Waa in geed ka go` laga dhigo hormarinta bulshada iyo qaranka siyaasada dalkuna ay taas u adeegtaa.
- Waa in la hubiyaa xoriyada muwaadin kasta. Waa in dadku ku raaxaystaan xoriyad qawlka ama xoriyada dhihida hadalka, doorashada shaqooyinka ama xirfadaha, xoriyada haysashada diimaha i.w.m.
- Waa inay dawladu ahaataa mid ku dhisan nadaamka cilmaaniga. Waa inaysan kala fadilin muwaadiniinta ama aysan qaar ku midabtakoorin qabiilkooda iyo diintooda iyo gobolkooda.
- Waa inay dawladu ahaataa mid umuuqata inay damaanad qaadi karto simitaanka muwaadiniinta. Macnuhu maahan inay dadka oo dhan isku maqaam ka dhigayso dawladu; ee waa inay siisaa muwaadiniinta fursado isku mid ah gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ka qayb qaadashada siyaasada iyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqmada ee gudaha dalka.
- Waa inay dawladu ahaataa mid ku dhiiran ilaalinta xuquuqda aadmiga iyo hormarinta bulshada rayidka ah sidookale qaangaarnimada dimuqaariyada. Taasoo ay iska kaashaanayaan hay`adaha dawlada iyo kuwa caalamiga ah ee isnaaniyada si loo xanaaneeyo bulshada.
No comments:
Post a Comment