Thursday 11 April 2019

KAALINTA IYO DOORKA


Bulshadu waxay muujisaa ‘nadaam’ sababtoo ah xiriirka bulsho ee ka dhexeeya xubnaheeda iyo dhaq-dhaqaaqooda ayaa ah kuwo caadi ahaan isku tiirsan. Kala duwanaanta baahiyaha  xubnah bulshada oo lagu dabooli karo isku duubni iyo iskaashi; taasoo bulshadu ay ogsoontahay inuusan qof kali ahi uusan dabooli Karin baahiyaha ku gadaansan, sidaas awgeedna loo baahanyahay kala duwanaan shaqo iyo mid xirdafeed oo ku salaysan fahamka labada arimood ee kala ah ‘kaalin’ iyo ‘door’, kuwaas oo ay bulshadu samaysay isla markaasna ay iyadu qeexday.

Waa maxay kaalin?

     Anagoo tixraacayna Van der Zander, kaalintu waa “boos ka dhexjira haykalka bulshada.”
Anagoo tixraacayna Paul H. Landis, kaallintu waa “maqaamka ama jagada kaasoo qofku leeyahay iyadoo lagu salaynayo doorkiisa khaaska ah ee uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda.”

     Hadii aan sikale udhigo kaalintu waa booska ama maqaamka uu qofku ku leeyahay bulshada dhexdeeda kaasoo ku salaysan doorkiisa.

Waa maxay door?

     Anagoo tixraacayna Harton iyo Hunt doorku waa “samaynta shaqada la xiriirta maqaamka.”
Anagoo tixraacayna R.T. Schaefer doorku waa “dhamays shaqo oo laga rajaynayo dadka jooga boosaska bulshada haykal keeda ka dhex jira.”

     Hadii aan erayo kale ku sheego doorku waa, shaqo la xiriirta kaalinta qofku uu bulshada ku dhex leeyahay. Ama shaqada laga rabo qofkasta  kaaalintiisa.


Tusaale yaal la xiriira kaalinta iyo doorka

Kaalin                                                               Door

Cunug                                                              adeecidda waalidkiis
Aabe                                                                korinta caruurta
Bare                                                                 baridda aqoonta
Dhakhtar                                                         dawaynta bukaanka
Arday                                                               barashada aqoonta
Geeljire                                                            raacidda geela
Siyaasi                                                              hormarinta danta guud





Qaybaha kaalinta

Waxaa jira laba nooc kaalimeed oo bulshayahanadu uqaybsheen kaalinta:

Mid lagu dhasho:
  “Waa kaalin bulshadu ay qofka siisay iyadoo aan loo fiirin sifo gaar ah ama hibo gaar ah uu leeyahay.” (C.H. Persell)
                   
              kaalinta lagu dhasho waa mid katimada dhalashada qofka oo aan la xiriirin tacab iyo dadaal uu asagu layimid waxaana kamid ah: jinsiga qofka, da`da, qoyska uukasoo jeedo iyo haybtiisa qabiileed.

                 Tani maahan mid uu qofku asagu go’aankeeda leeyahay ama uu maamuli karo. Tusaale ahaan, inaad qof madaw noqotid; inaad qabiil tiro badan ka dhalatid, inaad dumar noqotid; inaad nin noqotid. Kuwaas oodhami maahan kuwo qofku uu badali karo.

    
Mid la kasbado:
    “kaalinta la kasbado waa mid la xiriirta dadaalka iyo kasbashada qofka sidookale hibadiisa qof ahaaneed.” (Kingisley Davis)

       Tani waa mid adag oo la xiriirta tacab, dadaal, xirfad, awoodda jir ahaaneed iyo tan maskaxeed ee qofku leeyahay, kuwaas ayaana muhiim u ah. Tusaale ahaan, bare sare (professor); dhakhtar caafimaad, janan ciidan; injineer, fanaan.

Qaybaha doorka

Sidookale doorkuna wuxuu u qaybsamaa labo nooc:

Mid lagu dhasho:
    Doorka uu qofku ku dhasho maahan mid uu asagu qof ahaan kasbaday balse waa kuwo bulshadu qofka siisay markii uudhashay. Tusaale ahaan, inaad heshid shaqada amiirka boqortooyada waxay ku xirantahay inaad ina boqor tahay, inaad shaqooyinka hoose ee bulshada qabatid adigoo reerkiinu sabool yihiin, in gabdhuhu shaqada guriga qabtaan waa mid ay udhasheen uu bulshadu siisay xili hore dhaqan ahaan.

Mid la kasbado:
    Kaalinta la kasbado waa mid qofku asagu kartidiisa kula yimid oo aysan cidi u hibayn, taasoo ku xiran dadaalkiisa iyo xirfadiisa. Tusaale ahaan, inaad xisaabta aad bartid ardayda waa mid ku xiran inaad adigu xisaabta taqaanid; inaad biraha samaysid waa mid ubaahan inaad birta taqaanid, inaad goolal badan udhalisid kooxdaad maahan mid aad ku dhalatay ee waa mid aad ciyaar aqoodkaaga ku keentay.

No comments:

Post a Comment