Wednesday 17 April 2019

BULSHO AHAAN MASE DAWLAD AHAAN?


Hordhac

Qormo cilmiyeedkaan waxaan ku iftiimin doonaa halka iyo boogta ay katahay bukaan socodka hadayny umadda Soomaaliyeed; taasoo aan ilaa haatan aysan jirin cid madax banana oo si cilmiyaysan wax uga qortay halka rasmiga ah ee ay umadaasi ka xagal daacsantahay. Sidaas awgeed ayaa igu kaliftay inaan ka qoro qoraal bilaw u ah daraasad dheer oo aan ku sameeyey bulshadaas, taasoo aan qayb ka ahaa ilaa intii aan garaadsaday.


Sidaad ula socotid waydiinta kor ku xusan ee aan cinwaanka uga dhigay qormadaan, jawaabteedu maahan mid si sahal ah aan uga gunkaari karno inagoo aan saamayn cilmi baaris dhab ah oo hanaan madax banana lagu sameeyey; anigoo taas niyada ku haya ayaan waxa aan isku dayayaa inaan hoga tusaalayn kooban ka bixiyo warcelinta waydiinta cinwaanka u ah qormadaydan, anigoo kaashanaya waayaha aan ku dhex noolaa bulshadaas iyo aqoonta aan uleeyahay cilmiga bulshada.

Waa Maxay Bulsho?

Marka loo tixgalianayo Maclver (1882-1970), wuxuu ku qeexay bulshadu inay tahay mareeg ka kooban xiriir ka dhexeeya dadyaw, taasoo  marwalba isbadasha.
Hadii aynu si faahfaahsan u dhigno qeexitaanka guud ee macnaha erayga bulsho wuxuu isku koobsanayaa: inuuyahay ururka ugu balaaran ee kulmiya ash-khaasta, kuwaasoo wadajir uwada nool, lehna dan guud, dhaqan, nadaam bulsheed iyo baahiyo guud ee dhanka nolosha ah.

Bulsho-noocee ah weeye Soomaalidu?

Waxajira jaadad kala gad-gadisan oo bulshayahanadu ukala abla-ableeyaan noocyada bulshooyinka kuwaas oo ubaahan qorma gaar ah, balse haatan waxaynu qoraalkaan ku beegsanaynaa nooca bulsho ay Soomaalidu tahay.
Asal ahaan Soomaalidu waa dad reer guuraa ubadan (59.97%) waa reer miyi anagoo tixraacayna warbixinta World Bank (2016).

Astaamaha bulshada reer miyiga:

  •   Waa dad qabiilku ku waynyahay isuguna xiran qaab qabiileed anagoo tixraacayna astaamihii uu Ibnu khulduun (1332-1406) ku sifeeyey bulshada reer miyiga ah.
  •   Waa dad dhaqankooda ku adag Ibnu khulduun (1332-1406).
  •  Waa dad diintu ku wayntahay Emile Durkheim (1858-1917).
  •   waa dad aan xirfado badan lahayn Emile Durkheim (1858-1917).
  •   Waa dad aad isugu duuban Emile Durkheim (1858-1917).


     Astaamaha aan kor kusoo xusay ee ay bulshayahanadii hore ay ku asteeyeen bulshada reer miyiga ah waa kuwa ukeenaya bulshada Soomaaliyeed inay qabyaaladu noqoto dabarka ugu muhiimsan ee isku haya.
     Sidookale ay noqdaan bulsho xagjirnimadu kubadanatahy, xagjirimadu maahan mid ka timaada dhanka diinta kaliya; xagjirnimadu waa fikir saamayn ku yeesha dhanwalba oo nolosha insaanka kamid ah, waxayna kasoo bilaabantaa dhanka dhaqanka; maadaama dhaqanka Soomaalidu uu yahay mid salka ku haya qabiil, taasoo qabiil walba uu asagu isku arko inuu yahay midka ugu mudnaanta mudan dhankasta oo nolosha kamid ah qabaailka kalana ay yihiin kuwa asaga ka hayb hoosaysa (Ethnocentrism).


Qeexitaanka Dawlad

“Nadaamkaas  siyaasadeed oo ay samaysteen daganayaasha dhul cayiman iyo xukuumada dhulkaas ayaa ah dawlad” – Robert Alan Dahl, Ph.D (Professor Maraykan ah oo dhiga culuumta siyaasada, dhashay 1915)
Iyadoo faah-faahsan “Dawladdu waa isku qoofalnaanta dad dagan dhul cayiman kuwaasoo ku hoos nool nadaam xukuumadeed isla markaasna leh madax banaani”.
Farqiga udhexeeya Bulshada iyo Dawladda.
Waxaa jira farqi wayn oo udhexeeya labada faham ee kala ah Bulsho iyo Dawlad kaasoo dadka badankiis ay isku qaldaan, sidookale waxa jira xiriir qoto dheer oo ka dhexeeya labadaas faham. Marka aynu is-barbardhig ku samayno labadaas faham ayaynu awood buuxda u yeelan doonaa inaynu abbaarno war-celinta waydiinta cinwaanka u ah qormo cilmiyeedkaan.
Bulsho
Dawlad
Bulshadu waa wax si lama filaan ah isku badasha dhanka kobaca iyo hormarka.
Dawladu badanaa waa nadaam fadhiya lehna xuduud jaan go`an.
qaabka bulshadu waa kan sawira sameeyana dawladda.
Dawladdu waa makhluuqa iyo adeegaha bulshada.
Bulshadu waxay hormarisaa ururada bulshada iyo xiriirka bulshada.
Dawladdu waxay maamushaa oo ay riixdaa kuwaas iyadoo kaashanaysa siyaasada iyo xeerarka.
Qaabka bulshadu waa mid kala jiidma wuxuuna ku salaysanyahay iskaa wax uqabso iyo iskaashi ka dhexeeya xubnaha bulshadaas.
Qaabka dawladu waa mid aad u adag, ficiladeedudna waxay ku salaysanyihiin farsamo, waxayna awood ku leedahay bulshadeeda.
Bulsha kastaa waxay ku tiirsanatahy dhaqankeeda, qiyamkeeda iyo xubnaheeda.
Dawlad kastaa waxay ku tiirsantahay bulshadeeda.

Hadaba haatan qofkasta oo si dhab ah udheegtay shaxda aynu ku kala saarnay labada faham ee bulsho iyo dawlad wuxuu si fudud u ogaankara halka ay bulshada Soomaaliyeed bukaan socodka katahay.
     Dawlad walba waxay ka fal-celisaa nooca bulsho ee ay leedahay, balse bulsho walba kama
Bulsho nadaamsan=Dawlad nadaamsan.
Bulsho kala daadsan=Dawlad kala daadsan.
Dawladdu marwalba waa ku tiirsane, halka bulshakasta tahay mida dawladoodu ay ku tiirsanatahay.

Maxay Bulsha ahaan Soomaalidu ugu jirantahay?

     Soomaalidu maahan dad bulsho ahaan uliidata, oo taas waxa cadayn uah sida ay u bad-baadeen dawlad la’aan kadib markii ay dawladii dhexe ee ciidanku ay bur-burtay 1991. Waxa kaloo la`oran karaa waa sababta bulshadu ugu muhiimsantahy dawlada, oo dadku dawlad la`aan way noolaan karaan, balse bulsho ahaan lama noolaan karo, hadaba waxay su`aashu tahay side bulsho ahaan Soomaalidu ugu jirantahay?
     War-celintu waxay noqon qofkasta caafimaad qabkiisu wuxuu ku xiranyahay xiliga iyo goobta uu joogo, tusaale hadii lagu geeyo meel hawo sare ah waxa aad kaanaysa inaad heshid xadiga oksigiinta (oxygen) ta ee ay sanbabkaadu qaadanayaan. Sidaas si lamid ah bulsha kasta waxa ku dhaca isbadal sida ay qabaan bulshayahanadu.
Ibnukhulduun (1332-1406) wuxuu aaminsayahay bulsha walba inay xili kobacdo xilina hormarto xilina ay bur-burto.
     Sidaas darteed bulsha kasta xili iyo goob ayay ku tahay mid hormarsan sidaas silamid ah xili iyo goob ayay kutahay mid sabool ka ah nolosha.
     Hadaba aan iftiinsho amuuraha bulshada Soomaaliyeed jahwareerka ukeenay ee ay la jirantahay:

          Dag-dag: way adagatahy inaad cunto miro cayriin, sidookale halmar aad fuuqsato koob shaaha oo aad ukulul, ama uu ALLE ukeeni waayay dunida ilmo 30 jir ah; waa sababta aynu waxkasta nadaamka ugu samayno si wax walba xiligooda loogu dhamaystiro. Ujeedkaygu wuxuu yahay bulshada Soomaaliyeed waxa ay aad ugu dagdageen inay xoriyad iyo madaxbanaani dawladeed la wareegaan sanadkii 1960kii, ayagoo aanan ubislayn nadaam talis iyo ismamulid dawladeed; taasina waa sababta ukeentay inay halmar si dhakhsoleh u hormareen (Revolutionary) ay hadana si hoobad ah u bur-bureen, maah-maah Soomaaliyeed baa ahayd “Geedkii orod loogu koro, orod baa looga dagaa.

         Laqabsi xumo: Soomaalidu waxay asal ahaan kasoo jeeday bulsho reer guuraa ah kuwaas oo kusoo caano maalay nadaamkoodii reer guuraa nimada ay iska soo dhaxlayeen fac ilaa fac hadana ay ku dhaqanyihiin nadaamkoos oo qabiilku u ahaa laf dhabar; maxaa yeelay waxa caado ka ahayd gayiga Soomaalida in xoola dhaqatadu ay geela kala dhacdo, sidookale dhuldaaqsimeedka, ceelasha iyo dumarkaba; si marka aad intaas u ilaashatid ama aad udhacdid waxaad ubaahantahay qabiil xoog leh oo aad ku tolontahay waa sababta loo adeegsado erayga tol; kaasoo macnihiisu yahay isku duubni iyo dabar abtiriseed isku haya intii ab-wadaag ahba. Waxay Soomaalidu nadaamkaas ku baraartaba waxa yimid xiligii dawladnimad kaasoo ubaahan laqabsigiisa iyo fahamkiisa, taasina waxay ubaahantahy oo shuruud u ah in isbedel qoto dheer lagu sameeyo qaab dhismeedka, shaqada, iyo xiriirka bulshadaas ka dhexeeyaba.

3     Jahli: aqoontu waa tan keenta ilbaxnimada iyo fahamka nolosha, hadaysan aqooni jirin way adagtahay inaad faham fiican ka qaadatid waayaha noloshii hore ee insaanka iyo waayahay aad hada ku nooshahay sidookale aad sahmisid waayaha kugu soo fooda leh. Waa sababta keentay inay bulshada Soomaaliyeed ula jaan qaadi waayeen nolosha casriga ah ee ku dhisan cilmiga; taasoo ka anfici lahayd inay bulsho ahaan u hormaraan kadibna ay gaareen heerka ilbaxnimada ee inlays maamulo dawladna la yeesho, talana la wadaago.

         Seef laboodnimo: Soomaalidu waa dad caadifiyiin ah sababtuna waa reer miyinimada iyo diinta, dadka reer miyiga ahi waa dad dhaqankooda ku adag oo aanan dulqaad ulahayn dhaqan kale oo baadiyeed, sidookale diintu wayku adagyihiin, waa sababta keenaysa inaysan dulqaad ulahyn diimaha ayaga baadida ku ah; taasina waxay si aan ula kac ahayn udhalinaysaa dhaqan seeflaboodnimo maxaa yeelay majirto jawi dulqaad keeni kara oo qofku ku dhagaysto afkaarta kasoo horka jeeda.

Muxuu yahay xalku?
     Hada waxynu ogaanay halka dabayshu kaga soodhacayso Soomaalida inay tahay bulsho ahaan oo aysan u nadaamsanayn, taasoo si kama ah u sababaysa in dawlad ahaan loo fashilmo. Hadaba aan bidhaamin toos ah ku sameeyo qodobada asaasiga u ah in bulshadaasi noqoto mid nadaamsan oo hanankarta hormarkeeda.
     Waxa jira tiirar asaasi u ah bulshakasta oo ay ku taagantahay kuwaasoo ubaahan in si wada jir ah loo hormariyo si ay uwada shaqeeyaan ugu danbayna u qaabeeyaan nadaamka iyo isdhexgalka bulshadaas waxaana mid-mid u dul istaagi doonaa kuwaas iyaga ah.

              Qoyska: qoysku waa bud-dhiga iyo aasaaska nolosha aadmiga waana halka uu aadanuhu kasoo bilaabmay, waana ubucda bulshadu kasoo bilaabmanto; sidaas darteed hormarkuna asaguu ka bilaabmaa, hadii aynu doonayno inaynu hormarino bulshada Soomaaliyeed waa inaynu diirada saarnaa hormarinta qoyska; sidaas silamid ah si aynu qoyska u hormarino waa in xooga lasaaraa gogosha qoyska taasoo ah haweenka, si aynu haweenka u hormarinana waa inaynu hormarinaa gabdhaha maanta oo ah hooyooyinka berri; hormarintooduna wax aka bilaabmaysaa in xaquuqdooda loo dhamaystiro lana dhawro. Maxaa yeelay gabar caafimaad qabta ayaa noqota hooyo caafimaad qabta, hooyo caafimaad qabtana waxay dhashaa ubad caafimaad qaba.

            Diinta: diintu waa hagaha damiirka insaanka, waana dhawrtada qiyamka iyo anshaxa bulsha kasta, hadaba diintoo si khaldan loo fahmaa waxay keeni kartaa bu-bur aan la mahdin, iyo xag-jirnimo ciribtirta nolosha bulsho ee dhaqan-dhaqaale. Sidookale diintoo si qoto-dheer loo fahmaa waxay keeni kartaa hormar bulsho; sidaas darteed Soomaalidu waa inay ka waantoobaan afkaarta xag-jirnimada ay ukeeneen wadaadada kutub gaabta ah; kuwaasoo fahan foorara ka haysta fikirka balaaran ee diinta Islaamka, sidookale waa in lakala saaraa dawladnimada iyo dinta; si looga bad-baado isku milan horkici kara qalalaase siyaasadeed iyo xasilooni daro bulsho.
                Waxbarashada: waxbarashadu waa tiir asaasi u ah haykalka bulsho kasta waana qiyaas bixiya laga dheehdo xadiga iyo cabirka hormareed ee bulsho gaartay ama ay gaari rabto. Waana tiirka hormarka insaanka Sidaas darteed bulshada Soomaaliyeed waxa laga doonaya inay hormarshaan kuna bixiyaan qiimaha ugu badan waxbarashada halka ay xooga saarayaan meelaha kale, sidookale ay dhiiri galiyaan waxbarshada gabdhaha iyo mida farsamada gacanta; ogowna aqoonkasta waxay salka ku haysaa afkaar iyo qorshayaal dadban oo bulsha kasto hiigsanayso ama ay rabto inay ku xanbaarto jiilkeeda sookacaya si ay ugaarsiiyeen goobta ay sahansadeen ayagu. Hadeer  heerka dadka wax akhriya waxna qoray ee da`doodu ka wayntahay Soomaalida waa (37.8%), sida ay warbixinteeda sanadlaha kusoo saartay haayada aduunka uqaabilsan waxbarashada ee (UNESCO,2018). Sida kuu muuqata waad dareemi kartaa heerka aqoon xumadu bulshadaas ka joogto waliba qorid iyo akhrin luuqada hooyo ah kaliya. Sidookale in xooga la saaro hor marinta barnaamij waxbarasho oo midaysan kaasoo leh manhaj midaysan oo ka tur jumaya danaha Soomaalida.
4
            Dhaqaalaha: dhaqaaluhu waa halbeeg lagu cabiro barwaaqada bulsho gaartay, sidookale waa tiirka ugu muhiimsan hormarka dal iyo dad, dhaqaalaha Soomaalidu wuxuuna ku tiirsanyahay dhoofinta xoolaha nool, mana laha wax soosaarkale oo ay dibada udhoofiyaan. Sida (World Bank 2018), qiyaaseen waxsoosaarka guud ee gudaha dalka Soomaliya GDP waa (6.2 billion). Taasoo ah nasiibdaro bulshadaas haysata una baahan in siwada jir ah waxlooga qabto kordhinta ilaha dhaqaale ee dalka, sida kaluumaysiga, beerashada; kuwaasoo ubaahan kaabayaal dhaqaale ooh hormarsan sida jidad, dakado, iyo suuqyo waa wayn. Sidookale in lays dhexgasho nadaamka dhaqaale ee dalka oo gobolada dalka oo dhan si siman loo wada gaarsiiyo.
5
            Siyaasadda: siyaasadu waa nadaamka maamulka dawliga ah, awoodaha iyo go`aamada masiiriga ah. Waana tan la rabo inay masuul ka noqoto jihaynta afarta tiir ee kale una adeegto danaha bulshadaas. Hadii siyaasaddu aysan xasilin way adagtahay in hormar lasameeyo, sidookale iyadoon bulshada dib u habyn lagu samayn qaabkeeda iyo xiriirka ka dhexeeya xubnahaheeda iyo shaqada bulshadaas; way adagatahay in xasilooni iyo faham siyaasadeed oo midaysan la helaa. Nadaamka siyaasadeed ee bulshada Soomaaliyeedna inta uu ku dhisanyahay qabiilka marnaba dhici mayso in laysku fahmo siyaasada iyo awoodaha, maxaa yeelay qabiilku wuxuu udub dhexaad uyahay nadaam nololeedka miyiga, balse magaalada waa uu jah wareerin; taa badalkeeda magaalooyinka iyo nolosha casriga ah waxa udub dhexaad u ah waa siyaasada oo loo simanyahay rag iyo dumar gobol ilaa gobol; maxaa yeelay magaalada wax loo wada daganyahay nadaam daneed kaasoo isku khasbaya intii isku dan ah, tusaale intii isku dhaqaale ahba waa daris; waana halkaas meesha ay siyaasadu ka bilaabmayso. Taa badalkeeda miyiga waxa loo wada daganyahay yaa isku hayb ah ama isku qabiil ah kaasoo dadka isugu tola isir ahaan.
    
               Gunaanad

      Sidaan bilawgii qormada uga afeeftay inaysn dhici Karin in laga baxsho war-celin waydiinta cinwaanka u ah qormo cilmiyeedkeen iyadoo aan la helin daraasad madax banaan oo qoto dheer taasoo u heli karta warcelin buuxda waydiintaas, hada aan anigu isku dayay inaan bidhaamin bilaw ah kasii bixiyo halka sararta Soomaalidu ay ka qurun santahay iyo daawaynta boogtaasba, maadaama aan ahay arday wax kabarta culuumta bulshada kaasoo ah dhakhtar bulsho.
       
         Hadaba waxa aan kusoo afjaraya qormo cilmiyeedkaan, Soomaalidu waxay ubaahantahay dib usixid bulsho iyo dib unadaamin aan ku salysnayn laablakac iyo dag-dag ama kacdoon si kama ah u dhaca (Revolutionary), balse taa badalkeeda loo baahanyahay isbadal bulsho oo ku yimaada qaab kas ah (Evolutionary), macnaha qaab qorshaysan oo ku yimaada tala wadaag iyo xeel-dheeri kaasoo saamayn dadban iyo mid toosanba ku yeelanaya hab nololeedka dhamaan bulshada Soomaaliyeed, qaabkaas oo leh sahan balaaran oo cad kaasoo qorshihiisu ka bilaabmayo jiilka da’ doodu ka hoosayso 16 jirka kaasoo ah 50% tirade bulshada Soomaaliyeed siduu sheegay (Worldometers, 2018), kuwaas oo u baahan jihayn fikiri iyo mid aqooneed si uu unoqdo jiilka lafdhabarta unoqda hormarka bulshada Soomaaliyeed.


No comments:

Post a Comment